Sucuudi Caraabiya ayaa xabsiga ka siideysey laba haween ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda haweenka, gabdhahan ayaa lagu eedeeyey in ay jebiyeen sharciga xaaraamta ka dhigaaya in haweenku gaari wadaan. Haweenkan ayaa la qabtey bishii Diseember 2014, waxaana la horgeeyey maxkamadda.
Haweenka la xiray ayaa waxaa kamid aheyd gabar 25 sano jir ah oo lagu magacaabo Luqiyan Al Xathluul, waxayna haweenaydan sharciga gawaari wadista kasoo qaadatay dalka Imaaraadka Carabta, kadibna waxay iyadoo gaari wada kasoo gashay xaduuda u dhaxeysa Imaaraatiga iyo Sucuudiga, halkaas oo lagu qabtey horaankii Diseember 2014.
Waxaa iyaduna xabsiga ugu tagtey gabar kale oo lagu magacaabo Maysa Al Camudi oo 33 sano jir ah, taasi oo cunto iyo cabitaan u waday gabardhii la xiray. Balse ciidamada ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay haweenaydan labaad oo iyadana lagu eedeeyey inay gaarigeeda gacanteeda ku wadatay.
Dalka Sucuudiga ayaa ahaa dalka keliya Adduunka ee haweenku aysan gaari ay leeyihii kaxaysan karin. Haween badan oo u dhashey dalka Sucuudiga ayaa arintaas ka mudaaharaadayey sanadihii danbe iyaga oo isticmaalayey bara bulshada isku xira








