Xabad joojin ayaa lagu wadaa in ay ka bilaabato bariga dalak Ukraine 15-ka bishan oo ku beegan maalinta axadda , sidaasina waxa shaaciyey hoggaamiyaasha Ruushka iyo Ukraine.
‘Waxan ku guulaysanay in aan ka heshiinay arrimhii ugu waaweynaa’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kaddib markii wadahadalo xidhiidh ah uu la yeeshay madaxaweynaha Ukraine Petro Poroshenko,iyo hoggaamiyayaasha Jarmalka iyo Faransiiska.
Madaxweynaha Faransiiska waxa uu sheegay in uu heshiiskani yahay mid dhab ah balse aanan wax walba laga heshiin.
Kumanaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda bariga dalka Ukraine.
Wadahadalda oo ka socda Belarus ayaa waxa diirada lagu saarayaa sidii lagu gaadhi lahaa xabad joojin, sidii hubka culus looga qaadi lahaa bariga Ukraine iyo sidii looga sameyn lahaa bariga Ukraine goob ka caagan miletariga.