Munich, (AN) Madaxweynaha jamhuuriyada Estonia Toomas Ilves, ayaa diiday inuu sii wado, waraysi toos ah oo telefishan la yeelanayay, ka dib markii uu ka cadhooday, wariyihii waraysanayay oo magaciisa dhawr jeer si khaldan u sheegay.
Madaxweynaha Estonia oo ku sugnaa Magaalada Munich ee dalka Jarmalka, ayaa waxa waraysi toos (Live) ah la yeeshay, wariye Dermot Murnaghan oo ka tirsan telefishanka Sky News, waxaana khalad uu wariyahaasi magaca Madaxweynaha Khalday awgeed uu badhtanka kaga baxay waraysigii tooska ahaa. –








