Burco(AN)Xukumadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Odayaal ka soo kala jeeda Beelaha shalay ku dagaalamay degaanka Baliga Diiriye Guuleed.waxaa sidoo kale la kala dhexdhigay Ciidamo tiro badan oo ka hor taga isku dhac horleh oo halkaasi ka dhaca.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in khasaaraha weerarka ka dhashay yahay laba qof oo dhaawac ah oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee dagaalamay “Xogaa ayay rasaas isku rideen oo laba qof ayuu ninba meel ka dhaawacmay oo midna gelinkii hore ahaa midna gelinkii dambe dhaawacmay” ayuu yidhi Badhasaabka togdheer oo Wargeyska Saxansaxo u waramay.
Badhasaabku wuxuu sheegay inay talaabooyin qaadeen si loo joojiyo isku dhaca labada Beelood “Markaas Ciidan tobaneeyo ah ayaa joogay laakiin,hadda waxaanu u diray ciidan fara badan oo kala dhex gala oo kala kexeeya. Gacan adag ayaanu ku qabanaynaa arrintaasi oo Odayaashoodana waanu xidhxidhaynaa imikana qaar baanu xidhnay oo soo qabanay labada dhinacba si arrintu u soo afgo’do” ayuu yidhi badhasaabku
Badhasaabku wuxuu sheegay in Go’aannadii hore ee Guurtidu Beesha Cabdalle Arab ugu xukuntay lahaanshaha Dhulkaasi ay rafcaan ka qaadatay Beesha Reer Biniin ee Habarjeclo, islamarkaana aan gacmaha la isku saarin. Waxa uu sheegay in qolaba 50 Oday laga xidhi doono.









