Xaflad balaadhan oo si fiican loo soo abaabulay ayaa Xisbi Xaakimka Kulmiye ku qabsadeen Minnesota Waxaana Ay Ku Dooranayeen Gudoomiye Cusub

0

IMG_C540F6-97705E-325B5F-3AA9DE-C7F814-15C0CD

Minnesota (AN) Xaflad balaadhan oo si fiican loo soo abaabulay ayaa Xisbi Xaakimka Kulmiye ku qabsadeen Minnesota Xafladan

oo u jeedadeedu ahay, Gudoomiye Cusub oo ay doorteen Laanta Minnesota ee Xisbiga kulmiye.
Waxaa Gudoomiye loo doortay, Mudane Mustafe Cawil Siciid, halka Gudoomiyihii Hore na ahaa Mudane Abdullahi Bulaale Cali.
Xafladoo ku bilaabantay, kuna dhamaatay jawi farxadleh, ayaa waxaa Goobtaas ku sugnaa, Gudoomiyaha USA ee Xisbiga Kulmiye Mudane Mohamed Nasir Dhoore, oo xilka u kala wareejiyay labada Gudoomiye.
Dabcan xafladu may ahan oo kaliya xil kala wareejinta, ee waxa kale oo lagu taageerayey, waxqabadka Dowlada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Ahmed Mohamed Mohamuud Siilaanyo.
Waxaa Khudbad taariikhiya ka Jeediyay, Gudoomiyaha USA Mr. Dhoore kana sheekeeyay waxqabadka dowlada, fariina u diray xisbiyada mucaaradka inay ka waantoobaan dhaleecaynta aan xaqiiqda ku salaysnayn..
Waxaa iyaguna Goobtaas ka hadlay labada gudoomiye ee xilka loo kala wareejiyay, oo ka hadlay midnimada xisbiga, iyo tan jaaliyadda somaliland, inay aad uga shaqayn doonaan, Xisbiga Kulmiyena yahay, mid u taagan Horumarka iyo Midnimada  Somaliland.
Waxaa  qudbad taariikhiya ka jeediyay Muftiga wayn ee Reer Somaliland Sheekh Sacad Muuse, oo Bulshada Reer Somaliland ku waaniyay wax wada qabsi iyo isku duubni.
Cali Salaad oo ka mid ah Tiirarka Xisbiga Kulmiye, ayaa ka hadlay, Horumarka Balaadhan ee dowladu samaysay, gaar ahaan wadooyinka dalka, hoostana ka xariiqay, in wadada Ceerigaabo, loo hagar baxo  inagoo isku duuban, kana sheekeeyay, faaiidada ku jirta, wadada oo ah halbowle, maadaama gobolka Sanaagyahay, gobol qani ah, oo dakhli badan soo galin karta somaliland.
Abwaanka Caanka ah ee Haybe yuusuf ayaa Gabay qiimo badan goobtaas ka jeediyay.
Taageerayaal ka soo digo-rogtay xisbiga waddani, oo uu hogaaminayo, Bashir Cabdirisaaq oo ah wiil dhalinyaro ah, ayaa Sheegay sababaha ku kaliifay inuu ka soo digorogto Waddani, isagoo ku nisbeeyay Xisbi Hadal khaliyaha haya, oo siday wax u dhigayaan xaqiiqada ka fogtahay, uuna ku qanacsan yahay, Horumarka maanta Somaliland Marayso.
Foosiya xaaji oktoobar, oo u hadashay haweenka ayaa qudbad qiimo leh goobtaas ka jeedisay iyo waanoba.
Waxaa xaflada Xidhiidhinayey, oo Suurto Galiyay, Fuad Abdi Ismacil, oo ah tiirka ugu wayn Xisbiga Kulmiye.
Waxaa Xisbigu u mahadnaqayaa,  fanaaniinta Qaranka oo iyaga la’aantood xafladu dhacdeenba, qayb libaaxna ka qaatay,
Layla kootali, Hodan Cabdirahman, Nuur cadde,Mohamed Shinbir.
Waxaa iyadana Xisbigu u Mahadnaqayaa, farshaxanadda Reer Somaliland Nuuri oo marwalba qurxisa, xafladaha, una hagar baxda,