Hargeysa(AN) Wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in aan shirkada la wareegtay warshada laydhka ee Hargeya aanay wada qaadan karin shaqaalaha warshadaas. Wasiirku waxa uu shaqaalaha warshadaas ku tilmaamay kuwo aan soo marin haayada shaqaalaha isla markaasna aan wax imtaxaan ah hore looga qaadin ayna u fadhiisin doonaan imtaxaan haatan. Waxaanu meesha ka saaray inay jiraan wax mushaharooyin ah oo ay ku leeyihiin, wasiirku waxa uu sidan u sheegay mar uu la hadlaayay tilifishanka HCTV waxaan hadaladiisa ka mid ahaa
“Shaqaalahu waxay ka mid yihiin shaqaalii dawlada ee haayada korantada u shaqaynaayay, waxayna qayb ka noqon doonaan marshuucan cusub ee wadaaga ah, laakiin maadaama oo kanbani khaas loo leeyahay shaqaale badan ayaa warshadan laydhka ee Hargeysa joogay, halka Berbera ay ka joogeen 59 kaliyaata, markaas baahida shaqaalaha iyo waxaan is buuxinayan shaqadii, waxaana warshadan Hargeysa jooga 200 oo shaqaale ah oo siyaabo kala duwan ku yimi xiligii aanan wasaaradan iman, hada laakiin waxa jooga 164 qof oo dadkii hawl gabka ahaa iyo kuwii aan shaqayn karaynba waanu ka saarnay kuwo cusubna maanan qorin.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Shaqaalahaas cabashooyinkoodu waxay ahaayeen in aanay mushaharooyinkii 2012,2013 aanay qaadaan,markaas wiigii dhawayd ayaanu u dhamaynay, shaqaalahana layska eryimaayo ee imtaxaan ayaa laga qaadayaa oo xaq loogu leeyahay,shaqaalahani waa ay ka duwanaayeen kuwa dawlada ee haayada shaqaalaha ka diiwaangashanaa ee imtaxaanka laga qaaday marka laga reebo dhawr iyo labaatan qof, qaab baahidii taagnayd ama dadkii joogay ay qoreen uun bay ku yimaadeen









