Jordan oo 53 jeer duqeysay ISIS

0

diyaaradaha_urdun
Diyaaradaha dagaalka ayaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay 53 goor duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday xarumaha kooxda ISIS ee gacanta ku heysa waqooyiga dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Diyaaradaha Jordan (Urdun) ayaa bartilmaameed ka dhiganayey xarumaha Taliska iyo Kaydka u ah kooxda ISIS.

Dowlada Jordan ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sare u qaaday weerarada ay ku qaadeyso kooxda ISIS kadib markii la shaaciyey filimkii muujinayey dilka Duuliyihii u dhashay dalkaasi oo ay kooxda ISIS nolosha ku gubtay.

Jeneraal Mansuur Al-joubri oo u hadlay ciidamada Urdun ayaa sheegay in dowladiisa go’aansatay inay xasuuqaan kooxda ISIS isla markaana sii wadi doonaan hawlgaladooda.

Dhinaca kale kooxda ISIS ayaa internetka ku faafiyey in duqeymaha Jordan lagu dilay haweenay u dhalatay Maraykanka oo ay ISIS maxbuus ahaan u heysteen.

ISIS ayaa sheegtay in haweenaydaasi uu ku dumay gurigii ay ku jirtay kadib markii diyaarada Jordan goobahaasi duqeeyeen.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegay inaysan weli heyn wax cadeyn ah inay haweenaydaasi dhimatay, halka Jordan ay sheegtay inaan la aaminin kooxda ISIS oo ay ku tilmaameen koox beenaalayaal ah