Doorashooyinkii Nigeria oo dib loo dhigay

0

Goodluck+Jonathan
Guddiga Doorashooyinka ee dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashadii dalkaasi oo lagu waday inay dhacdo Sabtida soo socota.

Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa muddo hal bil ah dib loo dhigay sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka maalinimadii Sabtidii lasoo dhaafay.

Doorashada oo lagu waday inay dhacdo 14ka Feberaayo ayaa la sheegay inay hada dhici doonto 28 Maarso. Sidoo kale doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo lagu waday inay dhacaan 28 Maarso ayaa dib loogu dhigay illa 11ka April.

Dib u dhaca doorashooyinka ayaa lagu sheegay inay la xariirto xaalada amni xumo ee ka jirta dalkaasi iyo weerarada ay wadaan kooxda Boko Xaram.

Hase yeeshee xisbiyada Mucaaridka ayaa go’aankan ku tilmaamay mid ka baxsan dimuquraadiyada oo keenaya xiisado horleh, sidoo kale dalalka reer Galbeedka oo ay kamid yihiin Maraykana iyo Ingiriiska ayaa dhaliilay dib u dhacan oo ay sheegeen inuu keenayo wel wel aad u weyn