Muqdisho(AN)Dagaal yahannada Al-shabaab ayaa Saaka Magaalada Muqdisho ku dilay Xildhibaan Cabdillaahi Qayaad Barre. Mudanaha waxaa la dilay isagoo subaxdii hore ka soo baxay gurigiisa kuna soo jeeda Xarunta Baarlamaanka “Xildhibaanka waa la dilay kadib markii uu Gurigiisa ka soo baxay,Niman baana toogtay” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdillaahi Xaaji oo ay saaxiibo ahaayeen Mudanaha la toogtay isagoo AFP la hadlay.
Xildhibaankan ayaa noqonaya kii koowaad ee Sanadkan la dilo,halka sanadkii hore ee 2014-ka la dilay 5 Xildhibaan oo Baarlamaanka Somalia ka tirsan.
Afhayeenka Hawl galada Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab,ayaa guud ahaan Xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay in la dili doono ama la qaban doono maadaama ay Ogolaadeen inay Carrada Somalia yimaadaan Ciidamo shisheeye, waa sida uu hadalka u dhigaye “Kamaandowsta Al-shabaab, waxay dileen Cabdillaahi Barre, dhamaan Xildhibaanada waxaanu ugu baaqaynaa inaanu dili doono ama qaban doono si ay Caddaaladda Alle u wajahaan” ayuu yidhi Muscab.
Dhanka kalena Fadhi uu yeeshay Golaha Baarlamaanka Somalia,ayaa lagu ansixiyay Golaha wasiirada cusub ee Somalia. Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xukumadda cusub ee Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid.
Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa 191 xildhibaan oo ka mid ahaa 213-xildhibaan oo kulanka joogay waxay codka siiyeen xukuumadda, iyadoo ay 22 xildhibaana diideen, sida guddoonka baarlamaanku ku dhawaaqeen markii codeyntu dhammaatay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu Baarlamaanka u jeediyay waxa uu ugu mahadceliyay mudaneyaasha Baarlamaanka, waxaanu sheegay in Xukumaddiisu la iman doonto qorshe waxqabad oo muuqda.
Ansixinta Baarlamaanka kadib, Gudoomiyaha Maxakamadda sare Cabdillaahi Ilka-xanaf oo goobta ku sugnaa ayaa dhaariyay Xukumadda cusub ee Somalia.








