Ciidamadda Qaranka oo Kala Firdhiyay Maleeshiyaad Isku Urursaday Deegaanka Xudun ee Gobolka Sool

0
Hargeysa(AN)Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda somaliland ayaa Xalay Saqdii dhexe kala Firdhiyay maleeshiyaad ka tirsan nabadiidka Cali Khaliif galaydh oo halkaasi

isu urursanayay maalmihii ugu dambeeyay.
Ciidamadda Qaranka ayaa kala eryay koox ka tirsan Kooxda Nabadiidka ah ee Khaatumo oo xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaaday Ciidamadda Qaranka deegaanka Bali ismit ee degmadda Xudun ee Nugaasha gobolka sool.
Maleeshiyaadkani oo tamartoodu aad u liidatay markii horeba ayaa cararay kadib markii ay halkaasi rasaas kasoo rideen ,waxaana intaasi kadib deegaanadaasi isu balaadhiyay ciidamadda Qaranka somaliland.
ilaa hadda ma jiraan xogo madaxbanaan oo kasoo baxaya Arrintani balse warar ay shabakadda Arabsiyonews ka helayso deegaanka saaxdheer ayaa sheegaya in deegaanadda hawdka la gaadhsiiyay dhaawac farabadan oo ka tirsan magaaleeshiyaadka khaatumo oo ee xalay soo weeraray ciidanka Qaranka.