Bosaaso(AN)Dablay hubaysan ayaa xalay Abaaro 9:00 Habeenimo weerar ku qaaday Bar Kaantarool oo u dhaw Xabsiga Magaalada Bosaaso. Waxaa ku dhintay weerarka Hal Askari oo Booliska ka tirsan iyo mid ka mid ah dablayda,halka ilaa saddex Askarta Puntland ka tirsana la dhaawacay.
Weerarka ayaa ku bilaabay kadib markii Nin Bas La socday Rasaas ku furay Askarta Baabuurta baadhaysay kadibna Qaraxyo iyo Rasaas ay bilaabeen Dablay wehelinaysay Ninkaasi. Booliska iyo Dablayda ayaa ku dhawaad hal Saac dagaalamayay iyagoo Magaalada iskula fiday.
Halka weerarku ka dhacay ayaa u dhaw Xabsiga Bosaaso oo amaankiisa si xooga loo ilaaliyo iyo Guriga taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse (Gacamey). Booliska ayaan arrintan wax faahfaahin ka bixin islamarkaana warbaahinta u sheegay in baadhisi socoto Shir Jaraa’idna ay ku faahfaahin doonaan dhacdadan.
Waa markii labaad ee todobaad gudihii la weeraro Booliska Puntland ee Bosaaso,waxaana dhawaan Dablay aan la aqoonsan weerartay Saldhiga Booliska,kuwaasi oo iyaguna meesha ka baxsaday. Amaanka Puntland ayaa u muuqda mid sii xumaanaya, inkasta oo ay Xukumaddu sheegtay inay ka adkaatay Al-shabaab.








