Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoopbay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta Akowandii xisaabaadka ee Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida Ee La Xidhay.

0

Wakaaladaha Wararka(AN) Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoopbay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankii uu Bangiga ku yaalla dalka Maraykanka ee Merchants Bank of California, uu ku xidhay akowandii xisaabaadka ee Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida, oo bangigaa sii marin jiray lacagaha loo dirayo dadka SoNicholas Kay omaalida ah.


Sidoo kale, xildhibaan laga soo doorto gobalka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota, ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Keith Ellison, ayaa ugu baaqay Bangiyada dalka Maraykanka in ay xal dhakhso ah u helaan wadashaqaynta ka dhaxaysa Shirkada xawaaladaha Soomalida, waxaanu Xildhibaankani, warqado qoraal ah uu u kala diray xogyahaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry iyo xisaabiyaha guud ee Mareykanka, Jack Lew, kuwaas oo kaga dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo arrintanNicholas Kay, waxa uu carabka ku dhuftay in lacagaha ay dadka qurbojoogta ah ee Soomaalidu, ay dadkooda uga soo diraan dadkooda Soomaaliya ku nooli, ay tahay isha kaliya ee dhaqaale ee ay ku tiirsan tahay nolosha mlaayiinta Soomaalida ah ee ku


nool gudaha Soomaaliya, isaga oo ku sifeeyay hadii la joojiyo lacagaha Sgirkadaha Xawaaladaha Soomalida, in ay noqonayso nasiib darro baaxad leh oo la soo derista nolosha dadka Soomaalida ah ee ku nool gudaha dalka.

Bangiga Merchants Bank of California, ayaa ahaa bangiga keliya ee Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ay xidhiidhka ugu badan la lahaayeen iyaga oo sii marin jiray 80% lacagaha ay u diraan Somaliya,