Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa isaga baxay shir ku saabsan amniga oo ka socday magaalada Munich ee dalka Jarmalka kadib markii lagu casuumay xubno ka socda Dowladda Israel.
Mr Mevlut Cavusoglu ayaa saxaafadda u sheegay in uu ka baxay shirka markii loo yeeray xubno matalaya Dowladda Yuhuuda in ay ka qaybgalaan shirka oo lagu soo hadal qaaday arrimaha Bariga dhexe.
‘’ Waxaan rabay in aan ka qayb qaato shirka balse waxaan go’aansanay in aan isaga baxno markii ay kusoo dareen qeybta looga hadlayay arrimaha Bariga dhexe kuwa matalaya Israel,’’ ayuu yiri.
Xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa xumaa tan iyo sanadkii 2010 kadib markii Ciidamada Israel ay weerareen markab laga leeyahay Turkey oo gargaar u soo waday marinka Gaza oo xilligaas ay cunoqabateyeen Yuhuuda.
Ilaa 9-turki ah oo u dhaq dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa ku dhintay weerarka, waxaana ku dhaawacmay toban askari oo galbinaysay markabka.
Turkiga ayaa ah dowladda Islaamka keliya oo si cad uga hadla gumaadka Yuhuuda ku hayaan dadka reer Falastiin, waxayna dhowr jeer caalamka ku eedeysay in uu kasii jeedo falalka Dowladda Yuhuuda ku kacayso








