Madaxweynaha Puntland oo u duuley Magaalada Muqdisho

0

Madaxweyne-Gaas

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntlnd Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goordhaweyd ka duulay garoonka diyaaradaha Garoowe iyagoo u sii jeeda magaalada Muqdisho oo lagu casuumay Puntland shir dhexmaray Madaxweynayaasha maamulada iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golahiisa wasiirada, Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland oo dhamaantood kala qayb galaya shirkan uu madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh isgu yeeray maamulada dalka ka jira sida Puntland, Jubballand iyo Koonfur Galbeed.

Shirkan oo aan la shaacin qodobada uu ku saabsan yahay ayaa Horseed Media wararka ay helayso waxaay sheegayaan in madaxweyne Xasan uu kala hadlo wanaajinta xiriirka maamul goboleedka si dowladda federaalka ufuliso mudda kooban ee u harsan barnaamijka hiigsiga 2016, ka qayb qaadashada maamulada dhismaya iyo dhismaha ciidan mideysan oo dalka Soomaaliya yeesho.

faafaahinta Safarka Madaxweyne Gaas iyo shirkan wararkeena dabme kala soco.