Daawo Shil tareen oo ka dhacay Magaalada New York

0

Train Car Collision
Shil tareen oo Salaasadii ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayey ku dhinteen ugu yaraan 7 qof.

Shilkan oo ka dhacay nawaaxiga Valhalla oo u dhaw Manhattan, waxaana la sheegay in sidoo kale 12 qof ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Tareenka ayaa la sheegay inuu ku dhacay 2 gaari oo ku xanibmay wadadka isgoyska tareenada iyo gaadiidka kale, waxaana kamid ah dadka dhintay daraweladii gawaaridaasi.

Kadib markii ay isku dhaceen tareenka iyo mid kamid ah gawaaridaasi ayaa waxaa halkaasi ka dhashay dab xoogleh oo qabsaday tareenka, iyadoo boqolaal rakaab ah oo saarnaa taareenkaasi ay si hal haleel ah uga degeen tareenka qeybtiisa danbe.