XISBIGA MUCAARADKA AH EE UCID OO MADAXWAYNE SIILAANYO USOO JEEDIYAY IN UU XILKA KA QAADO WASIIRKA CIYAARAHA SOMALILAND

0

Hargaysa(AN)Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa madaxwayne Siilaanyo usoojeediyay in uu xilka kaqaado wasiirka ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal.

Sidaasna waxa uu xisbiga Ucid ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo nuqul kamidi soo gaadhay Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, waxaanu udhignaa isagoo dhamaystiran sidan:-

 Xisbiga Ucid War-Murtiyeed

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID waxaa war-murtiyeedkan ka Soo saarey Qaabkii Xukuumaddu u maamushey Dhacdooyinkii Wiigii u Danbeeyey Caasimada Hargeysa ka socdey ee Arimihii Dhalinyarada kana Dhasheen Dilka iyo Dhaawucuba

Hadaba Xisbiga UCID waxaa uu ka soo horjeedaa DhamaaN wax kasta oo Nabadgalyadda ka Hor imanaya

Xisbiga UCID waxaa uu u Arkaa Xabada,Xadhiga iyo Dilka Dhalinyaradda JSL Baaqigii ka Hadhey Tahriibka iyo ku Dhimashada Saxaraha in Ay Tahey ( Xasuuq La Xasuuqayo Dhalinyaradda JSL )

Sidoo kale Xisbiga UCID Xal uma Arko Xabadda Xaasidnimadda ah ee Beerka lagala Dhacayo Mustaqbalkii Barito ee Dalkan Maamulilahaa

Sidoo Kale waxaa uu Qabaa in Dhalinyaradda la jiheeyo loona Sameeyo Shaqo Abuur, Xirfaddo (Vocational Training) iyo In Dhalinyarada loo Sameeyo Tartano Kubadeed ama Ciyaaro Heerar Walba leh

Xisbiga UCID waxaa uu la yaaban yahey Waziirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL Cali Siciid Raygal waxaa uu u Madaxweyne Siillaanyo Xilka uga Qaadi La,yahey ee uu Ka Dugsanayo waayo waa waziir ku Fashilmey DhamaaN Shaqadii loo Doortey Tusaale ahaan

1 waxaa uu kala Qaybiyey Dhalinyaraddii JSL

2 waxaa uu ku Fashilmey Qabashadii Ciyaaraha Gobolada,

3 wuxuu sii xoojiyey Qabyaaladii Dhalinyarada Dhexdooda

4 wuxuu kala direy xidhiidhadii Ciyaaraha Markuu Waziirka Noqdeyba

5 wuxuu dhiiri-galiyey in Somalia ay u shaqo tagaan kuwii madaxda ka ahaa Xidhiidhada oo uu ugu horeeyo (Gudomiyihii xidhiidhka kubada Cagta Somaliland)

6 Waxaa Sababtiisa u Maqan Orodyahano Qaali Ku Ahaa JSL oo Maanta Ku Jira Orodyahanada Somalia u Orda Magacna u Soo Hooyey dawlada aynu Jaarka Nahey Ee Somalia

Sidaa Awgeed Xisbiga UCID Waxaa uu Soo Jeedinayaa In Si Deg Deg Ah Looga Qaado Xilka Waziirnimo isla Markaana Loo Magacaabo Nin Dhalinyaro Ah oo Fahmaya Waxa Dhalinyaradu u Baahan Tahey, Sidoo Kalena u Fikiraya Sida Dhalinyaraddu u Fikireyso

Ugu Danbeyntii Xisbiga UCID waxaa uu Xuukumada ugu Baaqayaa In Dhalinyaradda Loo Sameeyo Qorshe Lagu Jiheynayo Sida Shaqo Abuur, Xirfado kala Duwan, Ganacsi Yar Yar,Ciyaaro Kala Duwan iyo In Loo Fududeeyo Dhaqaalaha La qaado Dugsiga Sare ilaa Heer Jaamacadeed

 

Allaa Mahad leh

Xoghayaha War-Faafinta Xizbiga UCID

MD: YUUSUF KAYSE ABDI-LAAHI