Macluumaad Badan Oo Kasoo Kordhay Weerar Kooxda Boko Haram Ay Ku Qaaday Magaalada Baga

0

Bil kaddib markii uu dhacay weerarkii ay Boko Haram ku qaaday magaalada Baga ee waqooyi bari ee dalka Nigeria ayay BBC-da u suurtagashay in ay la hadasho dadka degaanka oo isku dayey in ay iska dhiciyaan mitidiinta soo weeraray. BBC-da ayaa waxay u sheegeen in ay isku dayeen inay baangado kala hortagaan kooxda weerarka soo qaaday oo ahayd koox aad u hubayasnayd.Weriye BBC-da ka tirsan ayaa sheegaya in ay adagtahay in la ogaado tirada dadka ku dhintay weerarkaasi balse waxa uu intaasi ku daray in gaadhayso boqolaal oo aanay ahayn kumanaan.

Weriyaha ayaa waxa uu la kulmay dad u sheegay in weerarka uu ahaa mid socday mudo saacadaha, oo xitaa kooxda boko haram ay dadka ku layanaysay baabuurtoodaWaxay u sheegeen in dadka dhintay ay u badnaayeen dumar iyo caruur Dad badan oo kale ayaa u talaabay dalalka deriska ahWarbixintana ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo isniintii qof dumar ah oo isu soo rakibay waxyaabaha qarxa ay ku dhishay magaalada Gombe saddex qof.

Weerarkaas ayaa waxa uu dhacay daqiiqado yar kaddib markii madaxweynaha dalkaas uu ka tagay goob uu khudbad ka jeediyey oo ku dhowayd goobta uu qaraxa ka dhacay.