
Iskool dugsi sare ah oo ku yaal magaalada Aalst ee dalka Belguim ayaa dacwad Booliiska u gudbiyey kadib markii labo kamid ah ardayda iskuulkaasi ay bartooda Facebook dhigeen hadalo lagu taageerayo kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya.
Iskoolkan Vrij Technisch Instituut (VTI) ayaa shaaciyey inuu si joogto ah isha ugu hayo goobaha ay ardaydooda ku wada sheekaystaan sida internetka gaar ahaan Facebook, waxayna sheegeen inay arkeen waxyaabo badan oo cabsi geliyey sidaas darteedna ay magacyada ardaydan ugu gudbiyeen Booliiska.
“…Arrintan waxay khuseysaa amaanka cid walba, waana sii wadaynaa inaan la socono ardayda waana soo gudbin doonaa wixii aan ka shakino…” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay iskuulkaasi.
Balse waxaa su’aalo la iska weydiinayaa in iskuulka uu sharci u heysto inuu si gaar ah u dabo galo ardayda halkaasi wax ka barata ee ku sheekaysta Facebook.








