Aaden Dhoolla-yare Oo Xukuumadda Ku Dhalliilay Jiheyn La’aanta Dhallinyarada Rabshadaha Ka Sameeya Dalka.
Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, ayaa ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo sidii ay dhalinyarada u jihayn lahayd, isla-markaana ugu jeedi lahayd waddo mustaqbal wanaagsan leh.
Dhoolayare waxa uu ku eedeeyey Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland inay tahli kari wayday inay qabato Ciyaarihii Gobollada Somaliland. Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal dheer oo uu ku baahiyey Warbaahinta Internet-ka, waxaanu ku bilaabay sidan “Xaalka dhalinyarada waxay u muuqata mid aanay ku niyad samayn mustaqbalkooda. Haddaba haddii aan isku dayo bal inaan wax ka sheego arimaha ugu waa-weyn ee sababta u ah inay dhalinyaro badani ku kaceen rabshado iyo akhlaaq xumo ay dhexdooda isku laayaan dadkana boobaan, islamarkaana waxay samaysteen kooxo gaar gaar ah oo iska soo horjeeda weliba si xun bay isu dilaan. Doorka waalidka iyo macalinka isguulku ku leeyihiin dhibaatooyinka ay gaystaan. Waalidka badankoodu waxaynu ognahay inaanay la socon xaaladda ay ku sugan yihiin carruurtoodu sababtoo ah aabaha iyo hooyaduba waxay ku mashquul san yihiin nolol maalimoodka oo aanay guriga iyo xaalkoodaba war u ahayn”
Aaden Dhoola-yare oo sii hadlaya ayaa sheegay “Dhinaca macalinka iyo manhajka waxbarashada waxa ka maqan maadadaha waddaniyada iyo adaabta iyo in loo sheego anshaxa wanaagsan waxaad mooda macalimiinta iyo dugsiiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladuba in loo samaystay in laga macaasho ama laga xoogsado oo keliya dhakhsana looga taajiro waxaa isbedelay markii la waayay kaalinti dawladda ee dabagalka ardayda iyo sida ay wax u bartaan in laga dhigto shaqo oo aan la eegin ardayga iyo waxbarashadiisa, laakiin la eego oo qudha maxa lacag laga qaada ardayga iyo macashka laga helo ila jaamacadaha oo lagu xisaabtamo dakhliga ka soo gala ardayda oo aan cidiba danayn qiimaynta ardayga cidina ma dhacdo waayo haddi ardayga la qiimeeyo oo uu imtixaanka dhaco waxa lagu canaanta macalinka yaanu dhicin ama darajo hoose helin ardaygu haddi kale waxa uu tegaya dugsi kale ama jaamacad kale sidaana waxa isku dhimaya dakhligooda sidaasi darteed ardaygu lama qiimeeyo mustaqbalkiisa”
Aaden Cilmi Dhoolla-yare, waxa kale oo uu sheegay “Dhinaca dawlada manahajkeenu maaha wax isku mid ah mana laha in ardayga salka laga soo dhiso waxa ka maqan maadada wadaniyada,alcaabta waxa kale oo ka sii daran macalimiinta oo aan helin tababar ay u baahan yihiin. Dhinaca wasaarada ciyaaraha waxaynu ognahay inaanay wasaaradu u diyaarin dhalinyarada nidaamki xilli ciyaareed u qaybsan kolba in la ciyaaro heer heer. Waxaa tusaale inoogu filan in Somalia oo aynu ka war qabno dhibaatooyinka iyo dagaallada wakhtiga dheer ku habsday hadana waxa ka socda ciyaaraha heer walba oo loo qabto si la yaab leh. Waxaynu ka qabna inay ciyaaruhu yihiin maaweeloyinka ugu wanaagsan ee lagu mashquuliyo dhalinyarada. Layaab waxay wasaaradda ciyaaruhu u qaban kari weyday ciyaarihii goballada oo aynu ogayn ciyaarihi goballada ee u dambeeyay ceebti ka dhacday. Waxaa waxaas oo dhanan ka daran Ururkii dhalinyaradu ku bahooday ee SONYO oo la kala qaybiyay wasiirradiina la kala safteen labadi garab oo tahli kari waayay inay isugu yeedhaan labada garab oo walaaleeyaan, balse ay wasiiro iyo masuuliyin kaleba ka qayb galeen xaflad garab ah