SPAIN:Hogaamiyaha Mucaaridka Oo La Hadlay Kumanaan Taageerayaashiisa Ka Mid ah

0

150131162314_podemos_madrid_640x360_getty-150x150Hogaamiyaha xisbiga garabka bidix ee Spain, Podemos, ayaa kumanaan taageerayaal ah kula hadlay dibadbax ka dhacay Madrid.
Pablo Iglesias, waxa uu amaanay xisbiga la mid ah ee Greek, Syriza, kaasi oo ugu guuleystay awoodda ballanqaadkiisa uu ku dhameynayo dhaqaale tashiilidda. Isagoo ka hadlayay fagaaraha weyn ee Madrid ayuu Mr. Iglesias ku dhawaaqay in guusha isbadalka ay ka bilaabtay inay ka qaraxdo Yurub oo dhan.

Tobaneeyo kun oo dad ah ayaa ka qeybgalay socodkan oo ahaa bandhigii ugu weynaa ee taageerada dadweynaha ilaa hadda uu sameeyo dhaqdhaqaaq jira in ka yar sanad.

Doorashad guud oo la filay inay dhacdo sanadkan ayuu xisbiga, Podemos, ku horeeya rayiga dadka codkooda dhiibanaya