SHEEKO DHEXMARTAY HOOYO IYO GABADH AY DHASHAY OO LAGA DHEX OGAADAY HAB CUSUB OO KANSARKA LOO DAWEEYO

0

Aabbo iyo hooyo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa gabadh yar oo ay dhaleen oo 8 jir ah waydiiyey siday u daawayn lahayd haddii loo keeno qof kansar qaban, waxaanay ka heshay jawaab cajiib noqotay.

Gabadha yar oo la yidhaa Camilla Lisanti, ayaa sheegtay in ay siin lahayd daawooyinka caabuqa la dagaallama ee Antibiotics loo yaqaan, iyadoo tusaale u soo qaadatay in ay cunto marka cunuhu xannuuno.

Hooyadeed iyo aabbaheed oo ka mid ahaa khubaro cilmi-baadhis ku sameeyey kansarka ayaa markii hore aan muhiimad siin jawaabtaas, balse aakhirkii aragtiyada inantooda yar  ku tijaabiyey shaybaadh ay leedahay Jaamacadda Manchester, waxaanay aad u yaabeen markay ogaadeen in jabab daawadan ka mid ah dishay

unugyo kansar khatar ah qabay oo ay ku tijaabiyeen.

Daawada ay tijaabiyeen ee Antibiotics ah waxay dishay toddoba ka mid ah noocyada kala duwan ee cudurka kansarka sida noocyada ku dhaca naasaha, sambabada iyo ka ay aadka u adag tahay in la daaweeyo ee ku dhaca maskaxda.

Mid ka mid ah daawadan oo la yidhaa Doxycycline oo inta badan loo isticmaalo in finanka lagu daweeyo ayaa noqotay mid aad u wanaagsan, waxaanay ku qaadatay lix maalmood oo kaliya in ay daawaysto kansarkii lagu tijaabiyey.

Hay’adaha caawiyaha dadka Kansarka qaba, ayaa sheegay in cilmi-baadhistan ay jawaab u tahay baadhitaanno badan oo muddo lagu jiray.

Proff. Lisanti iyo xaaskiisa Federica Stogia, ayaa cilmi-baadhistoodan oo xal u waayeen gabadhooda yar jawaabteedii u noqotay dariiq ay u qadaan.

“Waxay na maqashay annagoo ka hadlayna kansar in badan, waxaanuna u aragnay in ay madadaalo uun tahay in aanu waydiiyo sida kansarka loo daawayn karo. Waannu waydiinay, waxaanay nagu tidhi; Hooyo iyo Aabbo waxaan isticmaali lahaan uun daawado Antibiotic ah, sida marka cunuhu i xannuuno oo kale,” ayuu yidhi Prof. Lisanti.