Hargeisa-(AN)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa markii u horaysay ka hadlay khilaafka cakirmay ee soo kala dhexgalay daladdii dhallinyarada Somaliland ee SONYO, kaas oo dhaliyay in ay Laba garab u kala jabto SONYO, khilaafkaas oo markii ugu horaysay ka bilaabmay shir-weynihii todobaad ee ergooyinka gobaladda ee lagu dooranayay hogaanka sare ee daladda, ee ka dhacay Hutel Ambassodar, ee magaalada Hargeisa.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo ka hadlayay xaflad xilwareejin ah oo ballaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo ay shalay magaalada Hargeisa, ku qabteen garabkii haystay aqlabiyada codka dallada SONYO, ee Guddoomiyaha –
u doortay Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaanu Suldaanku si adag uga hadlay faro-gelin uu SONYO, ku sameeyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaruaha Cali Siciid Raygal, taas oo dhalisay khilaafkan, waxaanu tallo lagu badbaadinayo midnimada daladda SONYO, uu u soo jeediyay xukuumadda, waxaanu yidhi Suldaanku isaga oo arrimahan ka hadlaya,
”Runtii anigu waxaan leeyahay Wasiirkan Dhallinyarada ee laga cabanayo, waxaan leeyahay yaani golaha Wasiirada dib ugu sii jirin, dhallinyaradu waa mustaqbalka Ummada, waa dadka aanu maanta waxqabadkooda eegayno, ee lagu nasan lahaa, cid kasta oo khilaaf gelisana anagu waanu ka habaaraynaa, taana waxa aanu doonaynaa cidii danbigan (Kala Qeybinta dalladda SONYO), in ay xukuumaddu soo cadayso, waana arrin hadaan wax laga qaban ay dhibaatadeedu badan doonto, waxaana loogu tallo-galay in ay Hargeysi, xaafad xaafad u kala fadhiisato, xukuumadanna waxaan leeyahay Dhallintuna dhallintii hore ee aynu naqaanay maaha, meeshana yaan la isku ilka beeline si fiican haloo dhex galo”
”Dhallinyaradu Waa Mustaqbalkii Lagu Nasan Lahaa, Cid Kasta Oo Khilaaf Gelisana Waanu Habaaraynaa, Xukuumaduna Ha Cadayso Cidii Danbigan Lahayd” Sul Maxamed
Arabsiyonews.net Office Gabiley somaliland








