Addis Ababa(AN)-Madaxweynaha wadanka Zimbabwe, Robert Mugabe, oo ah 90 jir reer galbeedka aad u neceb, ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaanu xilka kala wareegi doonaa Madaxweynaha dalka Mauritania oo muddo sannad ah xilkan hayay.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe, ayaa hogaamin doona dalalka Midowga Afrika, oo ka kooban 54 dal, waxaanu xilkan Guddoomiye-nimada Midawga Afrika uu yahay mid wereegto ah oo xilkiisu hal sanno yahay, waxaana sannad walba loo doortaa hogaamiye ka mid ah hogaamiyayaasha wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika
Arabsiynews.com
Hargaysa Desk








