Kooxaha Xuutiyiinta Yemen ayaa sii daayay madaxii shaqaalaha madaxtooyada Yemen, Axmed Cawad Bin Mubaarak iyo laba askari oo kale oo lagu qabsaday xarunta madaxtooyada Yemen 17-kii bishan Jannaayo.
Saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta ayaa warbaahinta u sheegay inay sii daayeen Mubaarak iyo laba qof oo kale oo ilaalada madaxtooyada dalkaas ka tirsanaa, kaddib 11-maalmood oo ay gacanta ku hayeen.
Qabsashada mas’uulkan ayaa la sheegay in Xuutiyiinta ay u ahayd in ay ku gor-gortamaan si uu xilka isaga casilo madaxweynihii dalkaas Cabdul-rabbi Haaddi Mansuur, ayna haatan iska sii daayeen mar haddii uu Haadi ka dagay xilka.
Xuutiyiinta Yemen oo tan iyo bishii Oktoobar ee 2014-kii dagaal kula jiray xukuumadda ayaa toddobaad ka hor la wareegay madaxtooyada, taas oo ahayd guushii ugu weynayd ee ay gaadhaan tan iyo markii dagaallada ka billlaabeen Yemen.
Dhanka kale, saraakiil Yemeniyiin ah ayaa Reuters u sheegay in Mubaarak lagu wareejiyay hoggaamiyaha qabaa’ilka gobolka Shabw oo Koonfurta Yemen. Iyadoo saraakiishu aysan faahfaahin intaas ka badan bixin.
Warka ku saabsan sii daynta madaxii madaxtooyada dalka Yemen ayaa imaanaya iyadoo kooxaha mucaaradka ah ee Shiicada ah ay aqbaleen heshiis lagu soo dhisayo xukuumad cusub oo wadaag ah.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha Xuutiyiinta ah oo daga gobol Waqooyiga dalka Yemen ku yaalla ayaa haatan gacanta ku haya inta badan xarunta Yemen ee Sanca, kaddib dagaallo adag oo ay la galeen ciidamada dalkaas.