Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid,ayaa sheegay inaanay jirin doorasho dalka ka dhacaysa 26-ka June 2015-ka.Xisbigu wuxuu dib u dhaca doorashada ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Xukumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye.
Shir Jaraa’id oo Xarunta Xisbiga ee Hargeysa ay ku qabteen Musharaxa Madaxweyne xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan,Gudoomiye xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray, Xoghahaya Warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdillaahi iyo Xubno kale oo sare ayaa lagu sheegay inaanay suuro gal ahayn doorashada dalka ka dhacaysa wakhtiga loo asteeyay ee ahaa 26-june-2015-ka. Waxa uu Xisbiga Ucid Sheegay in Maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Mawqifkooda dib u dhaca doorashada
Gudoomiye Xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray ayaa Xisbiga Ucid u hadlay waxaanu ugu horrayn yidhi “Sababta ugu muhiimsan ee nagu kalliftay inaanu Shir Saxaafaddeedkan qabano waxa weeye inaanu Shacabka u gudbino halkay marayso Doorashadii iyo Xaqiiqada jirta oo runtii illaa hadda aanay jirin cid ku dhacday inay si cad dadka runta ugu sheegto.waxaanu doonaynaa inaanu markii u horaysay Shacbiga Somaliland si cad ugu sheegno in sida ay noogu muuqato aanay jirin Doorasho dalkan ka dhacaysa 26-ka June ee sanadkan”
Mudane Cali Guray waxa uu sheegay inay suuro gal ahayd in dalka doorasho wakhtigeedii ka dhacdo balse loo kasay in doorashadu dib u dhacdo “Haddii la dadaalo Dalka doorasho Way ka dhici karaysay suuro galna way ahayd in 26-ka june 2015-ka doorashadu dhacdo laakiin,waxaad goob joog ka ahaydeen sidii loola dagaalamay ee Xeerarkii loo burburiyay ee Xukumadda,Wakiilada iyo Guurtida oo iskaashanaya muddo 7 ama 8 bilood ah ay uga lumiyeen in 26-ka June Doorasho suuro gal noqoto.Nasiib darro way ku guulaysteen inaaan doorashadu ku qabsoomin wakhtigeedii,malaha iyagu guul bay u arkaane” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.










