Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa shalay Magaalada Laascaanood waxa uu ka furay Shir Sannadeedkii Caafimaadka, kaas oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee wasaaraddu ku qabato gobol ka baxsan caasimadda Hargeysa.