Xubnaha Baarlamaanka, Qurba Joogta, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaan aniga oo og muhimadda ay leedahay
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada.
Ra’isal Wasaaraha oo madashii uu kaga dhawaaqayay liiska Golihiisa Wasirada hadal kooban ka jeediyay ayaa ka codsaday baarlamaanka in ay codka kalsoonida siiyaan.
“Aniga oo gudanaya waajibka dastuuriga ee ay ummadda Soomaaliyeed iga sugayso oo ah inaan soo dhiso Xukuumad buuxinaysa shuruudaha qabashada xilalka Wasiirnimo isla markaasna ku sifoobaysa aqoon, hufnaan, waayo argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sanadka 2016-ka. Kadib markaan wada- tashi dheer la sameeyey Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka, Xubnaha Baarlamaanka, Qurba Joogta, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaan aniga oo og muhimadda ay leedahay in la
helo xasilooni siyaasadeed oo horseeda sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaaqalaha dalkeena oo maanta maraya meel wanaagsan ayaan magacaabay Golaha Wasiirada caaway” ayuu yidhi
Waxa uu intaasi ku daray golaha wasiirada uu soo dhisay aanay wax raad ah ku lahayn siyaasada Somalia, waxaanu yidhi
“Waxa aynu la soconaa in mudooyinkii u dambeeyay uu hakad galay hawlihii Xukuumadda oo laf-dhabarka u ahaa ummadda, mana aha arrin lagu sii jiri karo. Wakhtiga gaaban dartii, waxaan hadda soo gudbinayaa magacaabista Wasiirrada oo kaliya, waxaan sida ugu dhakhsaha badan usoo gudbin doonaa Wasiirro Ku-xigeenada iyo Wasiirro Dawlayaasha”
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu mas’uul ka yahay waajibna ka saaran yahay inuu gacan ka geysto horusocodka dalka iyo inaan mar dambe dib loo noqon. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in aan xaqiijino fulinta hawlaha ahmiyadda koowaad u leh xukuumadda, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka.
Magacyada Wasiirrada
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka








