Hargeysa(AN)XildhibaanCabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh), oo ka tirsan Odayaasha Guurtida islamarkaana ay isku degaan yihiin Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo Amaan u Kiishay, dhanka kalena Mucaaradka Aflagaadeeyay.
Xildhibaanka ayaa Mucaaradka ku eedeeyay inaanay lahayn Khibrad Dawladdeed,sidoo kalena ay yihiin dad aan xilkas ahayn “Hadday Mucaaradku doorasho doonayaan,Xisbiyadoodu Barnaamij wax qabad ba ma laha.waxoodu waa Cay iyo Nac-nac iyo Fool xumo iyo fadqalalo 24-ka saacdood ay wadaan,markaa Niman doorasho doonaya maaha ee waa Niman doonaya inay meesha ku shaqaystaan oo Xisbi uun maqlay, laakiin Xisbigu kaas maaha waa Kulmiye oo kale,Madaxweyne doorasho doonayaana waa inuu Siilaanyo oo kale noqdaa” ayuu yidhi XIldhibaan Shaadh.
Xildhibaan Shaadh waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada “Madaxweynuhu wakhti buu qabtay oo maalin dhaafi mayso ayuu yidhi,taasina waa run oo waa xaqiiq.waxa weeye Madaxweynuhu shacbiyaddii iyo dadkiina wuu wataa,Waxqabadkiina wuu muujiyay,markaa maanta Madaxweynuhu kaba warwari maayo doorasho” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Laakiin,haddii farsamo dhacdo oo wax si ka noqdaan, Kordhin baa dhacaysa oo dawlad la’aani jiri mayso Guurtida ayaa kordhinaysa.kolkaa kuwan Mucaaradka ah iyaga Muddo kordhin ayaaba u wanaagsan oo ay doonayaan laakin lama tartami karaan Madaxweyne Siilaanyo.waa dad 24-ka saac waxaad ka naxdo mooyaane wax dalka wax u tarayaba aan Odhanayn,Dad xil kas ahna maba aha”
Xildhibaan Shaadh waxa uu Mucaaradka u soo jeediyay inay Doorashada u diyaar garoobaan,waxase uu amaanay Madaxweynaha oo uu tilmaamay in dhaliishii Mucaaradka ee Madaxweynuhu meesha ka baxday maadaama Madaxweynuhu safar dalka ku soo maray islamarkaana taasi muujinayso sida uu u caafimaad qabo.
“Madaxweynaha waxaan leeyahay, Umaddaada ayaad Kalsooni ka haysataaye,adiguna Kalsooni muuji,ha biqin,haddii doorasho jirto Diyaar baad u tahay oo dadku codkiibay ku siinayaan,haddii Muddo kordhini timaadana dawlad la’aani jiri mayso ee Golaha guurtidu way kuu kordhinayaan” ayuu yidhi Xildhibaan Shaadh.
Hadalkan biyo dhiciisu yahay Amaanka Madaxweynaha iyo Eedaynta Mucaaradka ayaa u muuqda mid aan looga baran Mudaneyaasha Aqalka guurtida oo inta badan ka madhan Arrimaha siyaasadda dhexna u ah Asxaabta iyo Umadda Somaliland.
Arabsiyomedia.com
Hargaysa Desk








