Wasiirku waxa uu xusay in qorshahani uu yahay barnaamij tijaabo ah oo lagu dhiiri-gelinayo soo jiidashada
Ottowa-(AN)- Wasiirka socdaalka ee dalka Canada, Chris Alexander, ayaa sheegay in dawlada Canada, ay bilaabi doonto aqbalaada codsiyo uga yimi Maalqabeeno muhaajiriin ah oo maal-gashadayaal ah oo Canada, ka soo dalbaday in iyaga iyo qoysaskoodaba la siiyo deganaashiyo joogto ah, sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirku.
Wasiirku waxa uu xusay in qorshahani uu yahay barnaamij tijaabo ah oo lagu dhiiri-gelinayo soo jiidashada Maalgeliyayaasha shisheeye ee caalamiga ah si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka Canada.
Dawladda Canada, ayaa ku dhawaaqday in bisha December, gudaheeda ay tahay xilligii la siin lahaa deganaanshaha joogtada ah maalgashadayaasha caalamiga ah ee awooda dhaqaale u leh in ay Laba Milyan oo Dollar,
ku maalgashadaan dalka Canada, si loogu dadaalo soo jiidashada dadka ganacsiga khibrada u leh kuwaas oo sii xoojin kara dhaqaalaha Canada.
Inkasta oo ay dawlada Canada Sheegtay in ay aqbali doonto codsiyo tiradoodu dhan tahay Shan Boqol, hadana, codsiyada heli doona fiisooyinka deganaashaha joogtada ah ee Canada ayaa noqon doona Lixdan codsi oo aqbalaadooda la xulan doono.








