Xilka Sidii La Iigu Dhiibay Ayuun baa La Iiga Beddelay, Laakiin Marmar Bay Kugu Soo Dumaysaa Raso Aad Hoos Mareysay” Cabdillaahi Geel-jire Oo Ka Waramay Xil Ka Qaadistiisii

0

image42Wasiirkii hore ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa markii u horeysay ka hadlay xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Somaliland ku sameeyay horaantii sanadkii dhamaaday ee 2014-ka.

Cabdillaahi Geel-jire oo lagu wareystay Barnaamijka Dhab ka hadal ee Telefiishanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in aanu wax weyn u arag xil ka qaadista lagu sameeyay, maadaama buu yidhi Madaxwaynuhu markii horena xilka u dhiibay, markii dambana ka qaadey. Hasa-yeeshee uu haddana la shaqeynayo.

Mr. Geel-jire, waxa uu sidoo kale iftiimiyey sababaha horseeda xil ka qaadista masuuliyiinta dawladda, isagoo tusaale u soo qaatey in mararka qaarkood ay masuulka saamayso isku miisaamidda beelaha, maadaama oo xilalka dawladdu ku dhisan yihiin hab beeleed, sidaas daraadeedna mararka qaarkood laga yaabo in xil ka qaadis aanad fileyn kula kulanto.

Geel-jire oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Xilka sidii la iigu dhiibay ayuun baa la iiga beddelay wax weynna uma arko (Xil ka qaadisteyda), waayo Madaxwaynuhu kolba cidda uu markaa u baahan yahay ayuu xilka u dhiibanayaa”

Wasiirkii hore ee kalluumaysiga Somaliland, ayaa sii sharaxay sababaha xil ka qaadista kelifa “Waad garaneysaan sida xukuumaddu u shaqeyso, marar baa ay saamayn kugu yeelaneysaa meelo kale oo la kala beddelay, waayo innagu weli waxaynaan ka bixin hab beeleedkii iyo wax la isku miisaamayo, mar baa laga yaabaa inay kugu dunto raso aad hoos mareysay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray Laakiin anigu Madaxweynaha ma waydiiyo sababta uu ii beddelay, warqaddii uu ii soo qorayna waxaan ku beddelay (OK), markaa markii horena Mahadsanid ayaan idhi, markii dambena Mahadsanid ayaan idhi, waanan la shaqeynaynaa…”