
Dowlada Germany ayaa markii ugu horeysay joojisay ganacsigii hubka ee la lahaayeen Boqortooyada Sucuudiga.
Dowlada Sucuudiga ayaa kamid ahayd macaamiisha ugu waaweyn ee dowlada Germany ka gata hubka casriga ah, waxaana Arbacadii lasoo dhaafay xukuumada Germany go’aan ku gaartay in la joojiyo hubkii laga iibin jiray Sucuudiga, sida uu qoray Joornaalka Bild am Sonntag oo Axad walba kasoo baxa dalkaasi Jarmalka.
Wax faah faahin ah lagama bixin sababta xiligan Germany u diiday inay hubka ka iibiso Sucuudiga, balse waxaa lagu sheegay warbixintaasi in xaalada dalalka bariga dhexe aysan xiligan ahayn mid degen.Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Dibada ee Germany, Frank-Walter Steinmeier ayaa wareysi uu siiyey jariiradaasi ku dhaliiceeyey Dowlada Sucuudiga xukunkii adkaa oo ay ku riday nin qoraa ah oo u dhashay Sucuudiga kaasi oo lagu xukumay 1000 karbaash ah iyo 10 sano oo xarig oo ay usii dheer tahay lacag ganaax ah oo gaareysa in ka badan 200 kun oo dollar.
Ninkaasi qoraaga ah oo lagu magacaabo Raif Badawi ayaa lagu eedeeyey inuu diinta Islaamka wax ka sheegay.








