Madaxa xafiiska duqa magaalada, Asegid Getachew, ayaa shaaca ka qaaday sababaha loo horistaagay dibadbaxa isaga oo tilmaamay in ururku ku guuldaraystay in uu buuxiyo shuruudaha banaanbax si nabadgalyo ah u dhaca.
Masuulka ayaa sheegay in ururku ku guuldaraystay in soo gudbiyo wadooyinka ay dibadbaxayaashu qaadayaan, halkudhagga ku qoran boodhadhkooda iyo warbixino kale oo muhiim ah.
Ururka UDJ ayaa laba u kala jabay iyada oo garabka uu hogaamiyo Baley Faqadheuu codsaday mudahaaradka.
Dhanka kale, koox sheegatay in ay wakiil ka yihiin ururka UDJ ayaa waraaqo u qoray maamulka magaalada Addis Ababa iyaga oo sheegay in codsiga garabka dalbaday banaabaxu yahay sharci-daro.
Ururada ka soo horjeeda dawlada ayaa lagu dhaliila midnimo la’aan iyo in ayna lahayn barnaamij siyaasadeed oo hufan marka laga reebo in ay ka soo horjeedaan xukuumada ay majaraha u hayso EPRDF








