Madaxweynaha Turkiga oo maanta booqanaya Muqdisho

0

2011-634493509766942993-694-400x239Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa maanta la filaaya in uu booqasho ku tego magaalada Muqdisho isaga iyo wefdi uu hogaaminaayo.

Erdogan oo maalmahan booqasho ku marayay dalalka Geeska Afrika qaarkood ayaa shalay joogay dalka Jabuuti, waxaana saaka laga sugaya Muqdisho.

Amniga Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka halbowlaha lagu daadiyey Ciidamo isku jira Boolis, Sirdoon iyo milateri oo Soomaali iyo ajnabi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa isna saaka aroortii kusoo laabtay Muqdisho kadib socdaal tacsi ah uu ku tegay Boqortooyada Sacuudiga, waxaana uu garoonka diyaaradaha kusoo dhoweyn doona wefdiga Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan oo safarkiisa qaadan doonto hal maalin keliya ayaa booqan doona dhowr meelood oo caasimadda gaar ahaan goobaha ay ka socdaan mashaaricda Turkiga.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa la filayay in uu booqdo Muqdisho balse waxaa safarkiisa uu dib u dhac ku yimid kadib Geeridii Boqorka Sacuudiga Abdallah, isagoo Boqortooyada Sacuudiga u aaday tacsi kana qaybgalay Janaasada Boqorka.

La soco wixii kusoo kordha hadba socdaalka Madaxweynaha Turkiga