Dagaalyahano Muslimiin ah oo aad u hubeeysan ayaa si toos ah ugu biiray dagaalada sokeeye ee ka holcaya wadanka Ukraine oo ku yaala qaarada Yurub . Dad badan ayaa si weyn ula yaabay Dagaalyahanadaan Muslimiinta ah ee ku biiray dagaalka ka socda wadanka Ukrain .
Ragaan hubeysan ayaa u dhashay Jamhuuriyada Jejniya waxeeyna la safteen maleeshiyaadka la dagaalamaya dowlada Ukrain ee lagu magacaabo (Separatisten) Dagaalyahadaan Muslimiinta ah ayaa ku dhawaaqayay Takbiir iyo Allahu Akbar .
Dad badan ayaa is weeydiinaya sababta Jejniyiinta uga qeeyb qaadanayaan dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Ukrain maadaama ay u dhaxeeyaan dad wada dhashay oo reer Ukrain ah . Maleeshiyaadka u dhashay Jejniya ayaa inta badan lagu tilmaamaa kuwo dagaalo kaste loo adeegsan karo waxeeyna tiradii ugu badneeyd ku biireen dagaalada sokeeye ee ka holcaya wadamada Ciraaq iyo Siiriya








