Boqorkii dawladda boqortooyada Sucuudi Arabiya, Cabdalla bin Cabdi casiis ayaa geeriyooday Saqdii dhex ee caawa.
Boqor Cabdalla oo toddobaadyadii u dambeeyay xaalad caafimaad daro ugu jiray Cisbitaal ku yaalla Magaalada Jeddah ee caasimadda Sucuudiga, ayaa geeriyooday, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay boqortooyada Sucuudiga isla-markaana uu baahiyey Telefiishanka Al-carabiya iyo Website-ka uu leeyahay Wargeyska Jerusalem
Alle ha u naxariistee Boqor Cabdalla ayaa muddo Cisbitaalka ugu jiray cudurka loo yaqaanno (pneumonia), waxaana mudadii uu Cisbitaalka ku jiray u rakibnaa qalab u fududeynayey neefsiga, laakiin caawa ayaa geeriyooday.
Boqorka geeriyooday ayaa wuxuu xukunka Sucuudiga la wareegay sanadkii 2005-tii, ka dib markii uu geeriyooday walaalkii boqor Fahad. Waxaana Boqor Cabdalla ay imika da’diisu ahayd 91-jir.
Sucuudiga, ayaa ah waddan qani ku ah soo saaridda shidaalka, waana dalka ugu soo saarka badan saliidda adduunka oo dhan.