Nolosha guurka ayaa waxa kusoo kordhay baryahan dambe waxyaabo badan oo kala duwan, inta badan dhallintu marka ay is guursadaan ayaa waxa dhaca in markiiba hadana ay kala boodaan labada qof, waana arrin muruugo leh in ay waqti yar gudahiis ku fikiraan in ay kala tagaan labada qof, iyaga oo ku sababaynaya in ay noloshoodu soo taabatay bartii dhammaadka oo isla markaas aanay wax iskugu hadhay jirin haba yaraaate.Hadaba waxaanu halkan diiinku soo gudbino doonaa qaar kamid ah sababaha ugu waaweyn ee ee sababa burburka xidhiidhkalamaanaha