Xeer Ilaaliyaha guud ee Somalia, Axmed Cali Daahir ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo guddoomiyaha iyo duqa degmada Bula-burde ee gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegay in xadhigooda uu ku yimid markii lagu helay lunsasho raashin gar-gaar ah oo loogu talo-galay dadka ku nool Bula-burte.