Xulka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo ee ka qeyb qaadanaya tartanka koobka Qaramada Afrika, ayaa xalay gaaray guushii ugu horeysay ee tartankaasi ah tan iyo sanadkii 1974-tii.
Congo ayaa 1-0 kaga badisay Gabon, waxaana goolka u dhaliyay Prince Oniangue. Waxaana ay sidaa afar dhibcood hogaanka ugu qabatay Group A.

Waxaa sidoo kale wada dheelay Burkina Faso iyo Equatorial Guinea oo isla dhaafi waayay barbaro 0-0 ah. Waa kulankii ugu horreeyay ee tartankan ku dhammaado natiijo noocaas ah








