Waa Maansadii Loogu Talagalay Madaxeynaha Oo Loo Magacdaray Dhoqoshay By Jaamac Muuse Askar

0
Qaranimo Macaanaa Qoranaa Hanaankani
Qarnigaynu Joogniyo Dadku Qiimo Weynaa
Waa Qabawgii Togdheer Iyo Dhoqoshay Qarkeedoo
Inta Roob Qayood Helay Quruxdiisu Badan Tahay
Dhirta Ubaxu Qariyoo Dhulku Rays Qabow Yahay
Biyuhuna Qandoodaan Rahu Qaylinaayoo
Qabarkii Ka Jabayoo Iyo Qaalmo Dayr Dhal ah
Qorob Caano Iyo Dhiil Dadku ay Qiyaas Li’i
Ciirtii Badhqubayaan.
Qaramada Midoobiyo Qaradayda Hodankaay
Naqadariya Idinkuna,
Waa Qaadir Mahadii Hadii ay Qabiran Tahay
Ciidankaygu Qaab Iyo Qiimaha Uu Leeyahay
Saanadiisa Qalab iyo Qoriga Iyo Rasaastii
Qaramada Midoobiyo Qaaradayda Hodankaay
Na Qadariya Idinkuna
Calankaygu Quruxdiyo Qaayihiisa Midabada
Tawxiidka Lagu Qoray Qadarini ay U Dheertahay
Madaxweynahayguna Qalambaawi Ruuxoo
Qaybaha Adduunyada Qaamuuska Lagu Dhigay
Dastuurka Iyo Xeerka Qaran Qumati U Qeexayoo
Qabyaalad Iyo Eex Aqoon
Quruuntuna Qoys La’aan Qasriga Wada Qoran Yihiin
Salaan Aad U Qaaliya Qalad Lagu Masayn Karin
Intaan Qiimo Sheegiyo Dhoqoshay Qabkeeda ah
Madaxweyne Qaadoo Quruxdaa Ogsoonoow.

Waa Qalinkii Abwaan Jaamac Muuse Askar