Fanaanka Cabdi Fanax oo saldhiga kalabaydh lagu xidhay isagooTahriibinaya gabdho

0

Kalabaydh(AN) Fanaanka Cabd Fanax ayaa ku xidhan saldhiga magaaladda Kalabaydh ee gobolka Gabilay, kaasoo loo haysto in uu Tahriibinayey sadex Hablood oo isla saldhiga kula xidhan.

cabdAskarta Kastamka Kalabaydh ayaa sadexda hablood qabatay kadib markii Ehelada hablahaas oo ka war helay in carruurtooda la tahriibinayaa ayaa rugaha booliiska dhigeen in loo qabto, taasoo ay askartu ku war heshay iyagoo habluhu ku dhuumanaya gaadhi Bus nooca NOHA la yidhaa oo ah kuwa qaadka soo qaada.

Markii askartu qabatay hablahaasi ayey mid ka mid ahi la hadashay Fanaan Cabdi Fanax oo sida ay Booliisku xogta ku heleen habluhu u sheegeen in uu usoo gurmado iyagoo ku dooday gaadhigii uu soo saaray in laga dhex qabtay.

Fanaan Cabdi Fanax ayaa sida warku sheegayo damcay in uu ka furdaamiyo Boliska Hablaha Tahriibayey waxaanu booliiska u sheegay mid ka mid ahi inay tahay xaaskiisa sidaa daraadeed loo sii daayo, hase yeeshee Booliisku xabsiga ayay dhigeen kadib markii waalidka inanat uu sheegtay inay xaaskiisa tahay sheegeen inaanay waxba ka jirin.

Ilo wareedka warkan waaheen siiyey waxa uu sheegayaa in Maxkamadda Gobolka Gabilay la horgeynayo kiiskan oo xaasaasiyad ka dhex abuuray Fanaan Cabdi Fanax iyo Waalidka dhalay Hablaha la Tahriibinayey ee ay Booliisku qabteen.

Xigasho Waheen