Booliska Gobolka Mudug oo soo qabtey niman isbaaro u taalay deegaanka Cagaaran

0

Booliska

Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta oo Arbaca ah soo qabtey  rag la sheegay in ay isbaaro u taalay meel ka sokaysa Deegaanka Cagaaran oo hoostagta Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Axmad Muuse Nuur Yare oo ah Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in laysku dayay in la xaliyo arintan balse laga maarmi wayay in goobtaasi ay weraraan ciidanka Buleyska .

“Dhowr siyaabood ayaa leysku dayay in loo xaliyo si isbaaradan loo qaado waxaa ku baxay Xildhibaano iyo odayaal blse kuma eysan guuleysan xalka howshan ” Ayuu yiri Axmad Muuse Nuur

2 qof ayaa ku dhaawacantay oo mid kamida uu liito  sida u sheegay gudoomiye Kuxigeenka labaad ee gobolka Mudug.

Goobta ay isbaarada u tiilay ragii la weeraray ayaan jirin cid hada ku sugan kadib markii uu dagaalkaasi ka dhacay.

Laamaha Amaanka iyo Saraakiisha Ciidanka wey inoo suura-gali weyday in aan qadka taleefanka ku haleelno si aan wax oga weydiino arimaha la xiriir dagaalkan