Berbera(AN)Suldaan Aden Cawil Cilm Oo ka mid ah Suladiinta Gobolka Saaxil Ayaa Xukumada Talada Haysa Ku Dhaliilay Qorshaha ay Doonayso in warshada leydhka Berbera ay Shakhsiyaad uu sheegay Suldaanku in ay gacan galiso
“Waxa kale oo Xaraan in Neefka Adhiga ah ee Berbera kadhoofa Wadada Ceerigaabo looga qaado $0.5 leydhka Berberana layidhaahdo Cid gaar ah aya lagu naasnuujinayaa Waa arrin aan LA qaadan Karin “Shacabka Deer Berberana Arrintaas Dagaalbay ka xigaan.
Suldaan Aden Cawil oo lasoo xidhiidhay Shabakada Berberaonline.com ayaa waxa kale oo fariin u direy Madaxweynaha Waxaana Hadaladiisa Kamid ahaa Madaxweyne Maanta Berberi Kagama Fadhido in laydhkeeda aad dad gaar ah o macaashdoon ah aad abaalgud usiiso Balse waxa ay ka sugeysay inaad Abaalkeeda gudo o dhaqaalaha kasoo baxa ee Dalka lagu maamulo wax lagusoo celiyo
Waxa kale oo talo usoo jeediyey Madaxdhaqamedka iyo xildhibaanada iyo waxgaradka gobolka inay ka hortagaan fidnada ka dhalandoona arrintaa warshada leydhka kana howlgalaan sidii xukuumadu ay u joojin lahayd.
Baaqyadan kala duwan ee xukumada loo soo jeedinaayo waxa uu ku soo beeg mayaa xili .ila filaayo in madaxwaynaha Somaliland uu socdaalka uu gobolada dalka ku maraayo ku iman doono berbera .waxaana la wada sugayaa Talaabada uu qaado madaxwaynahu wax uga qabto arinta warshada laydhka berbera
Xigasho Berberaonline.com
Arabsiyomedia.com
Hargaysa Desk








