Maanta Muddo Kordhin Ka Wada Hadli Maynno, Waayo Waxaanu Aaminsan Nahay Doorashada Waalla Qabanayaa….. Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan M. Aaden

0

download-211-150x150

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa meesha ka saaray in Golahaasi ka gaabiyey doorkii uu ka qaadan lahaa daminta mushkiladda siyaasadeed ee uu Gobolka AWDAL ka abuuray Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo Somaliland ka fallaagoobay, waxaanu sheegay in Golaha Guurtidu aanu kaalintiisa gabin, isla-markaana reer AWDAL ku filan yihiin arrinta Suldaankaasi.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden, waxa kale oo uu ka hadlay muddo kordhinta la hadal hayo in golahaasi u samaynayo xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxaanu sheegay in arrintaa hadal haynteeda iyo hirgelinteedaba ay ku haboon tahay marka wakhti bil ku siman ka hadhsan yahay dhammaadka muddo xileedka xukuumadda, hasa-yeeshee intaasi ka hor ay Gole Guurtida ahaan aaminsan yihiin in doorashada la qabanayo.

Md. Saleebaan Maxamuud Aaden oo shalay saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa ugu horeyn ka hadlaya isaga oo ka hadlaya waajibaadka Guurtida iyo doorkii ay arrintan Suldaan Wabar ka qaadan lahaayeen, ayaa yidhi “Waxaad Leedahay Golaha Guurtidu wuxuu ka baaqday shaqadiisii, waxaan ku leeyahay kama baaqsado ee xilkiisa wuu gutaa, laakiin Suldaan riddoobay oo Irdhoobay annagu wax aanu nidhaahno garan maynno oo aydana (Kaynta) kaga daba tagi maynno”

Guddoomiye Saleebaan, ayaa sheegay in arrintan Suldaan Wabar ay ku filan yihiin reer AWDAL “Reer AWDAL iyagaa ku filan (Suldaan Wabar), dalkuna cidna rabshad ugama baahna, nin Suldaan sheeganayana hadalkiisaba daa’..ILAAHAYNA ha inoo soo hadeeyo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya muddo kordhinta la hadlayo in Guurtidu u samaynayso xukuumadda “Muddo kordhin maanta ka wada hadli maynno, waayo wakhtigeedii ma joogno”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in hadal haynta muddo kordhintu ku habboon tahay marka wakhtigeeda la gaadho “Maalinta doorashadu kaabiga inoo soo saarto ama bil ka hor 26-ka June ee aan ku ogaa ayaa soo qaad-qaadkeeda iyo kordhinteeda leedahay, laakiin inta ka horeysa waxaanu qabnaa waalla qabanayaa (Doorashada)….”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aaden.