
Gobalka Siinaay ee bariga dalka Masar ayey iska horimaadyo ka dhaceen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in halkaasi lagu dilay qaar kamid ahaa hogaamiyayaasha maleeshiyaadka dowlada la dagaalamaya.
Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Masar ayaa Axadii shalay shaacisay inay ciidamadooda dileen labo kamid ah hogaamiyayaasha kooxda Ansaar Al Baytul Maqdis ee ka dagaalanta gobalka Siinaay ee u dhaxeeya dhulka Masar iyo dhulka Falastiin.
Iska horimaadyadan ayaa sidoo kale la sheegay in lagu soo qabtay hub ay ku jiraan madaafiicda Hoobiyaha iyo qalabka kale oo ay adeegsanayeen jamhada gobalkaasi ka dagaalanta.
Dhinaca kale sadex askari oo ka tirsan ciidamada Masar ayaa dhaawac culus kasoo gaaray qarax lala beegsaday gaarigii ay saarnaayeen xili uu marayey deegaanka Al Cariish ee gobalka Siinaay








