Kalabaydh(AN) Laba baabuur oo ay leedahay shirkada Socdaalka Galbeedka iyo Bariga ayaa lagu afduubay abaaro 6:00 pm maqribnimo magaalda Kalabaydh oo galbeed ka xigta Degmada Gabiley ,dhacdadaas oo ay dad goob joogayaal ahi uxaqijiyeen Shabakada Arabsiyonews in laba baabuur oo nooca rakaabka looyaqaan Bus dad aad ugadoodsani joojiyeen labadaa baabuur kuwaas oo rakaab siday ,waxaaanay ila wareedyadu ku dareen in baabuurtaa dirawaliintii furayaashii laga qaaday ,dad aad utira badanina ku soo xomeen gaadiidkii
Dhanica kale Shabakada Arabsiyo waxay laxidhiidhay Gudoomiyaha Shirkada Socdaalka Bari iyo Galbeed Maxamed Nuur Xirsi waxaanu wax ka waydiinay ii dhacdadani waxaanu yidhi
“Runtii dhacdadani waa ay jirtaa oo arin foolxun weeyi laba baabuur oo kamid ah Gadiidka shirkada socdaalka Bari iyo Galbeed oo ukala socday Magaaloyinka Wajaale iyo Boorama ayay ahaayeen gaadiidkaas oo loogu talagalay in la burburiyo furayaashiina laga qaaday dirawalintii ayaa waxaa soo gaadhay ciidanka iyo dad gurmad ahaa oo ka shaqeeyay shirkada gaar “
Gudoomiyaha Shirkada Socdaalka Bari iyo Galbeed ayaa kawaramay dadkan gadoodsan ee gadiidka shirkadaas bartilmeedsaday waxaanu yidhi
“Maalin dhawayd oo ilaa toban maalmood ka soo wareegen ayaa mid kamid ah gadiidka shirkada ayaa waxa uu ku jiidhay magaalda Kalabaydh wiil dhalinyaro ah kaas oo udhintay shilkaas baabuur Illaahay ha unaxariistee ,arinkaas oo ka shirkad ahaan aad uga xunahay ayaan utagnay reerkii inankaa yar uu ka soo jeeday waanu tacsiyeynay
Inankiii dirawalka ahaa iyo gaadhigiiba waa ay xidhan yihiin , hawshiina waanu galnay qaabkii shilkan dhacay iyo sidoo kale ka shirkad ahaan isku wafajin lahayn sharciyada Shirkada taas oo aanu isla garanay inanka dirawalka ah iyo cidii uu kasoo jeeday in magtii la bixiyo “
Waxa kale oo Maxamed Nuur Xirsi Gudoomiyaha Shirkada Bari iyo Galbeed intaa ku daray
“waxaanu usoo anbabaxnay dhankii iyo Gabiley taas oo aanu ku balan sanay odayaasha iyo Cuqaashii ka soo jeeda marxuumkii ku dhintay Shilka laakin waxaan islahaa cuqaasha iyo madax dhaqameedkii waxbay isku soo dhawaysaa taas ma dhicin oo afka lagama dhawree wiilka dirawalka ahaa ee shilka gaystay ayaa ahaa dadkan la haybsooca kaas oo ay odayaashaasi si quudhsi leh ku sheegen in aanay nin qabiilkiisu yahay dadka la hayb sooco aanay mag ka qaadanayn taas oo arinkii aan usoconay kala fogaysay waxaana ayaan daro ah caaqilka fikirkaa khaldan aaminsan anigoo Gobolkan Gabiley kasoojeeda ayaa marnaba aan islahayn dadkaygu ma sidan ayay cusuriyiin uyahiin “
Waxa kale oo Gudoomiyaha shirkada Bari iyo Galbeed uu ku eedeyey Caaqiladaas in ay ka shirkad ahaan ay usheegen in ay ku leeyihiin Magta oo aanay haba yaraate aanay cida inanku ka dhashay waxba uraacayn iyagoo liidaya reerka uu ka dhashay wiilkaa dirawlaka ahi
Gabgabadii Maxamuud Nuur Xirsi waxa uu ugu baaqay dadka deegaanka Kalabaydh in talabada noocaas ah aanu xalku ahayn
” anagu ka shirkad ahaan diyaar ayaanu unahay xal ilaga gaadho hawshaa dhacday ,reerkii uu ka dhashay inanaka dirawalkuna waa la diyaar magtii iyo waan waan kasta ,markaa waxaan ugu baaqayaa umada in aan wax khaldan laga dhaadhicin dhacdadanina waxay noqonaysaa mid bar madow ku ah guud ahaan Gobolka Gabiley oo dhacda aad fool xun hore uga dhacday lana wada ogaa waraadkii ay reebtay markaa tana yaan laga dhigin tii labaad ee sumcada gobolka aynu ilaalino “
Arabsiyomedia.com
Hargaysa Desk








