
Maamulka Jubbaland ayaa qorshaynaya dagaalo uu ku qaado ururka Al-shabaab oo qaybo ka mid ah gobolada maamulkaa ku sugan sida uu xaqiijiyey madaxweyne ku xigeenka Jubbaland C/laahi Sh Ismaaciil Fartaag.
Madaxweyne ku xigeenka oo muddo ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa sheegay in dalalka Itoobiya iyo Kenya in ay ka soo wada hadleen sidii ciidamadooda ka jooga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ku jira howl galka AMISOM ay ugala qayb qaadan lahaayeen dagaalka ay ku qaadayaan Al-shabaab.
Fartaag wuxuu sheegay in maamulku uu leeyahay ciidan dhamaystiran oo ka hor tagi kara ciidamada Al-shabaab balse ay u baahan yihiin qalabayn iyo xoojin dhanka Ciidamada.
Wakhtiga ay bilaabayaan dagaalkan ayuu sheegay in ayba hada socoto dagaalka ka dhankaa Al-shabaab balse ay diyaarinayaan mid xoogiisa sababi doono in Al-shabaab laga saaro guud ahaan gobolada maamulka Jubbalaan.
Ururka Al-shabaab ayaa tan iyo markii lagala wareegay qaar ka mida deegamada gobolada jubbooyinka waxa ay dagaalo qorshaysan iyo weero qaraxyo ah ka fuliyey goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland








