Wararka ISIS Oo Sii Daysay Koox Yazidiyiin Ah Oo Ay Afduub Ku Haysteen By Berbera - January 18, 2015 0 FacebookTwitterPinterestWhatsApp Dagaal Yahanada kooxda khilaafada Islaamka ee woqooyiga dalka Ciraaq ayaa sii daayay boqolaal qof oo ka tirsan dadka Yazidiga. Dadkan ayaa muddo afduub ay u haysatay dowladda Islaamka, waxaana la kaxaystay xilligii uu socday dagaalkii ay ku qaadeen dhulka ay degaan Yazidiga. Dadkaasi ayaa u tallaabay dhanka ay maamusho koox dagalaayahano ah oo Yazidi ah. Waxaa soo dhaweeyay saraakiisha maamulka kurdiyiinta, haddana waxaa la sheegayaa in meel amni ah la geeyay. Kooxda la sii daayay ayaa waxa ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur. Khilaafada Islaamka ayaa horey loogu eedeeyay inay xoog ku guursadeen gabdho Yazidi ah oo adoonsi ahaan ay u haystaan