Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Cafis U Fidiyey Xildhibaanno Ka Xidhan Golaha Deegaanka Borama

0

M.SiilaanyoAxmed Maxamed Siilaanyo, Madaxwaynaha Somaliland, ayaa digreeto uu caawa soo saaray cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka mid ah Golaha deegaanka Borama, kuwaasi oo loo xidhay rabshado ka dhacay Borama.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;

Markuu Tixgeliyey:  Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.

Wuxuu Go’aamiyey

In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.

 ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.