Ra’iisul Wasaare David Camaron ayaa waxa uu yiri ”Steven Emerson waa nacas raali gelinta uu bixiyeyna waa biloow xun Birmingham waa magaalo tusaale cajiib ah oo wanaagsan u noqon karta sida ay ugu noolyihiin dad kala duwan kala Diin ah kala dhaqan ah wadamo badana ka kala yimid hadana si wanagsan uwada nool, waa magaalo dhaqaalaheeda fiicanyahay ayuu yiri David Camaron.
Steven Emerson ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkas uu sheegay in kasta oo aysan raali gelintiisa qancinin Dowlada Ingiriiska oo uu garwadeen u yahay Raiisul Wasaare David Camaron .
Hadalkan kasoo yeeray wariyaha u shaqeeya Fox News ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili qalaase uu ka dhacay Dalka ay dariska yihiin Ingiriiska ee France, dad badanina waxa ay ku tilmaameen hadalkan kasoo yeeray wariyahan inuu yahay mid lagu kicinaayo Dadka aan Muslimka aheyn ee kunool Dalkan Ingiriiska








