Jamaal Cali Xuseen Iyo Wasiirka Ciyaaraha Oo Si Fool Ka Fool Ah Isku Waydaarsaday Weedho Xanaf Leh, Halka Sartu Ka Qudhuntey Iyo Fajacii Dadweynaha

0

download-27Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo daxliiska Somaliland, Cali Siciid Raygal, ayaa ka cadhooday hadal uu doraad Warbaahinta u mariyey  Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, waxaanu hadalkaasi uga jawaabay si ficil ah.

Musharaxa Madaxweynaha ee UCID, ayaa doraad hadal uu saxaafadda siiyey aad ugu dhaliilay Wasiirka ciyaaraha Somaliland oo uu ku eedeeyay inuu ku fashilmay shaqadii loo igmaday isla-markaana uu muddo dheer qaban kari la’yahay tartankii gobollada dalka. Waxaanu Jamaal Cali Xuseen sidoo kale hadalkaasi ku sheegay in haddii uu ahaan lahaa Madaxwaynaha dalka uu shaqada ka eryi lahaa Wasiirka Ciyaaraha, maadaama buu yidhi uu ku fashilmay wixii waajibaadkiisu ahaa “Run ahaantii xukuumadda ku fashilantay inay qabato ciyaarihii gobollada ee dhalinyaradii gobolka Togdheer ee walaalaha ahaa kala jeclaysatay ee qabyaalad dhex-dhigtay ma garanayo wax lagu aamini lahaa” ayuu hadalkiisa ku yidhi, Jamaal Cali Xuseen, waxaanu intaasi sii raaciyey “Haddii aan anigu joogo halka Siilaanyo joogo waan eryi lahaa oo xukuumadayda kamuu mid ahaadeen wasiirka ciyaaraha ee ku guuldaraystay inuu  qabto ciyaarihii gobollada ee kabtanimadii xataa qabyaaladda galiyey”

Hasa-yeeshee, Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, Cali Siciid Raygal oo aan warbaahinta kaga jawaabin eedaymahaasi loogu jeediyay shaqadiisa, ayaa shalay si kedis ah ay huteelka Maansoor ugu kulmeen Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, waxayna halkaasi isku waydaarsadeen hadallo taag-taagan, kuwaasi oo u dhacayey weerar iyo weerar celis salka ku haya eedaymo hore iyo jawaabo ka soo hor-maray saaxaddii warbaahineed.

Wasiir Raygal oo wejigiisa laga dheehanayey cadho badan ayaa markii uu la kulmay Musharaxa Madaxwaynaha UCID si hal-haleel ah ugu ganey weedh u dhignayd  “Adiga (Jamaalow) marka uu Faysal Cali Waraabe ku soo eryo yaan lagu arkin adigoo cabanaya” ayuu yidhi, Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo si fool ka fool ah ula hadlaya Jamaal. Hasa-yeeshee Jamaal Cali Xuseen oo isaguna u jiray dhowr tallaabo ayaa weedhaasi kaga hal-celiyey “Aniga cidna ima erido ee anigaa wax erya..”ayuu yidhi, Musharaxa Madaxweynaha ee UCID, sida uu ku waramay Wariye ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday oo goob-joog u ahaa dhacdadaasi.

Intii ay hadalladani dhex marayeen labadan masuul waxa iyaguna halkaasi ku sugnaa dad kooban, kuwaasi oo aad ula yaabay habka qalafsan ee ay u wada murmayeen labada masuul. Waxayna dadweynuhu markii labada masuul kala dhaqaaqeen ay bilaabeen inay sii faaleeyaan sida wax u dhaceen.